DHAGAYSO:- Xildhibaano ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle oo ka soo horjeedsatay Safarkii Waare uu ku Tagay Degmadda Buulo burte

0
71

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku Sugan Magaaladda Jowhar ayaa ka soo horjeestay Safarkii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare uu shalay ku gaaray Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada oo Shir Jaraa`id ku qabtay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in safarkii shalay Madaxweyne Waare uu ku tegay Buulo-burte uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana ay tallaabaasi kasoo horjeedan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka hadlay khilaaf maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Buulo-burte oo ku aadan maamul Cusub oo uu Wasiir Maxamed Cali Caadle u magacaabay Degmadaasi, iyagoona sheegay inay aad uga xun yihiin arrimaha ka socda Degmada.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiir Caadle ku eedeeyay in sabab u yihiin Khilaafka ka jira Buulo-burte, isla markaana ay doonayan inay iska hor keenaan qaabi’lada degan halkaas.

Iyaga oo sii hadlaayay ayay Xildhibaanada tilmaameen in Buulo-burte ay Go’doonsan tahay muddo dhowr sanno ah oo ay hawad kaliya u furan tahay ayna shacabka dhibaato badan qabaan, balse haatan Hirshabeelle aan laga dooneyn inay dhibaato kale abuurto.

Si kastaba Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiay Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay Odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, waxaana Degmadaas lagu wadaa in laga dhiso Gole deegaaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here