Sarkaal ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Kooxo Hubeysan Xalay Ku Dileen Magaaladda Boosaaso

0
59

Wararka Imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Xalay Kooxo Hubeysan ay Gudaha Magaaladda Boosaaso ku Dileen Sarkaal  ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale, kaas oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso, sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Boosaaso.

Kooxdii dilka u geysatay marxuumka ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana magaalada ka bilaawday baaritaano ay sameynayaa ciidamada booliska Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso, kuwaas oo ilaa saakay ka socda qeybo ka tirsan magaalada.

Ma  jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay dilkaas oo ay soo bandhigeen laamaha amaanka Punland, waxaana mudooyinkii la soo dhaafay sii xumaanayey ammaanka magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here