HORDHACA:- Espanyol Vs Barcelona Tartanka Laliga Spain

0
904

Kooxda Barcelona ayaa dib u bilaaban doonta difaacashada horyaalka La Liga iyaga oo marti u noqon doona kooxda ay jaarka yihiin ee Espanyol kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ugu dambyan kali ku noqday hogaanka horyaalka La Liga kana baxsaday Real Madrid iyaga oo doonaya in ay sii wadaan hogaaminta horyaalka iyo daafacashadiisa.

Dhanka kale kooxda Espanyol ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira wakhti adag xilli ciyaareedkan waliba kaalinta ugu hoosaysay kaga jirta horyaalka kaliyna helay 10 dhibcood 17-kii kulan ee ay ciyaareen.

Tartanka Laliga Dalka Spain

Espanyol  Vs Barcelona

Garoonka RCDE Stadium

Waqtiga 11:00 Habeenimo

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here