Muxuu yahay ujeedka shirka uu Golaha Ammaanka QM ka yeelanayo Soomaaliya?

0
428

Golaha Ammaanka QM ayaa la filayaa inay mar kale maalinta Jimcaha kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, xilli weli dalka uu ka jiro muran la xiriira arrimaha doorashada.

Fadhiga Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo badan, balse arrimaha Soomaaliya marka ay tahay si gaar ah ayaa loo dul istaagi doonaa oo loo qiimeyn doonaa, balse arrimaha kale ee laga hadli doono waxaa ka id ah arrimo ku saabsan Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique.
Sida lagu shaaciyay wargeyska Foreign Policy, waxaa klanka lagu dhageysan doonaa xaaladahii laga diiwaan galiyay arrimaha Soomaaliya, ayada oo QM ay cadaadineyso in dhinacyada Soomaaliya ay gaaraan heshiis doorasho.

James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka ku faah-faahin doona arrimo badan oo uu ka diyaariyay waxyaabahii ka dhacay Soomaaliya dhanka amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale ka hadli doonaa arrimaha doorashooyinka oo uu gacanta kula jiro.
Fadhigii ugu dambeeyay ee golaha ammaanka uu ka yeesho arrimaha Soomaaliya waxey aheyd 22-kii February, sidaas darteed wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii la diiwaangaliyay ee ku xeeran xaaladda soomaaliya ayaa la dhordhigi doonaa guddiga.

Si kastaba Beesha caalamka waxey ka shaqeyneysaa sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda kala guurka iyadoo James Swan uu si gaar ah ugu shaqeynayo inuu isku soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si ay u dhameytiraan heshiisyadii horay loo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here