Puntland oo shaacisay kiisas farabadan oo Cudurka Coronavirus ah

0
870

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid 19 ee Isbuucii la soo dhaafay kadib markii cudurka uu kusoo laba kacleeyay degaannada Maamulkaas.
War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la baaray dad gaaraya 572 ruux , hayeeshee xanuunka laga helay 82 kamid ah taasoo muujinaysa sara ukac inuu jiray marka loo eego todobaadyadii ka horeeyay.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in badankood ay ku sugan yihiin magaalada Garowe oo laga helay 57 ruux oo ka mid ah.
Wasaaradda ayaa waxay walaac ka muujinaysaa in markale sida aduunka uu usoo laba kacleeyay si gaar ahna soomaliya uu usoo laba kaclayn karo Puntland.
Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa dadweynaha la wadaagtay inay feejignaantoodi soo celiyaan ayna isticmaalaan waxyaabaha la iskaga ilaalinayo xanuunka, cid kasta oo iskaga shakidana ay tagaan xarumaha baaritaanka kana ilaaliyaan dadka kale.
Degaannada Puntland ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha uu cudurka COVID-19 kusoo laba kacleeyay, waxaana laga diiwaangeliyay dad farabadan, kuwaas oo cudurka laga helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here