Puntland oo soo bandhigay shuruudo kuna baaqday in xilka laga qaado Taliyaha NISA {AKHRISO}

0
37

Maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal ka kooban Saddex bog, kaas oo loga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka lagu muransan yahay iyo shuruudo cusub oo Puntland ay ku xirtay ka qeyb ahaanshaha doorashooyinka Soomaaliya.
Puntland ayaa sheegtay in waligeed ay qyeb ka aheyd howlaha geedi-socodka howlaha doorashooyinka dalka welina diyaar u tahay sidoo kalena ay diyaar u yihin in la dhaqan geliyo hehsiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa qoraalkooda waxaa ay kusoo bandhigeen shuruudo adag, kuwaas oo ay macquul tahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkaato fulinteed, waxaana shurudahaas oo gaaraya ila 8 qoodb ay kala yihiin.
1: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadideysa awoodaha fulineed ee Madaxweynahya iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya.
2: Maadaama Ciodanka Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhex-aad-nimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga lagana dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay.
3: In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacdooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Mugdisho 19-kii Bisha Februery, si la iskula xisaabtamo.
4: Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka.
5: Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka.
6: Waa in Saamilayda siyaasadda iyo Ururada Bulshada laga qaybgeliyo loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka.
7: In la dhowro xuquugaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta
Soomaaliyeed sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaaso.
8: Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wada kalsoonyahay.
Shuruudahaay ay soo bandhigeen Maamlka Puntland ayaan weli waxaa ka jawaabin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana shuruudahaan ay noqonayaan cqabado kale oo soo wajahay doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here