Turkiga oo Saamileyda Soomaalida ugu baaqay in wadahadal ay ku dhammeeyaan khilaafka ka dhex jira.

0
18

Dowladda Turkiga ayaa gelinkii dambe ee Axadda war kasoo baxay uga hadashay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashooyinka, muranka hareeyay & doorka dalal ay kamid tahay ay ka qaadan karaan ka gudubka marxaladda kala guurka.
Warsaxaafadeedka Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay ka welwelsan tahay muranka ka taagan Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana ay ku baaqday in lagu dedaalo saldhigista xasiloonida & qabsoomidda doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020.
“Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya Doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu yiri “Waxa aan rumeysan nahay in walaalaheen & saaxiida Soomaaliya ay leeyihiin Rabitaan & bisayl siyaasadeed oo ay ugu go’aan gaari karaan Mustaqbalkooda”.
DG Jubbaland & qaar kamid ah Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Muddo xileedkeedu dhammaaday ayaa Turkiga ku eedeeyay in ciidanka uu tababaray & hubka uu u siiyay la dagaalanka Al-Shabaab DFS ay u adeegsatay dhan ka duwan, inkasta oo aysan ka jawaabin hadalkaas Xukuumadda Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here