Golaha Shacabka oo kulmaya & RW Rooble oo hortagaya

0
708

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 10/2/2021 inay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Magaalada MUQDISHO.
Kulanka oo Maanta ka duwan kulamadii caadiga ahaa ayaa la filayaa in uu hortago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, waxana ajandahiisa uu yahay Hadal Jeedinta R/Wasaaraha & Warbixin ku saabsan Wax – Qabadkii 100ka Maalmood ee Xukuumadiisa.

Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Golaha Shacabka la hortagayo laba qorsho oo kala ah in lagu laabto hannaankii doorashada hal deegaan doorasho iyo liiska xiran (Single Constituency iyo Close Lista) si loo qabto doorasho qof iyo cod, waxaana ku lifaaqan codsi muddo kordhin labo sano ah.
Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamamaanka ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada muqdisho waxaa ay ku dhawaaqeen kudlada Badbaadada Qaranka, iyaga oo sheegay inay ka hortagayaan qorshaha uu damacsan yahay Ra’iisul Wasaaraha.
Isniintii todobaadkaan ayaa qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaaraha uu hortago Golaha Shacbaka, balse ay Xildhibaannada diideen, iyaga oo sheegay inay tahay in fursad loo siiyo inays oo akhristaan Warbixinta loo qeybiyay ee ku saabsan waxqabadkii boqolka (100-ka) maalmood ee Xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here