Madaxweynaha Somaliland oo doorashada kala hadlay Guddoomiyeyaasha Gobolada

0
735

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan loogu diyaar garoobayo, laguna dardargelinayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee bartamaha sannadkan qorshaysan la qaatay guddoomiyeyaasha iyo maayarrada degmooyinka kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay qayb ka ahaayeen madaxda wasaaradda arrimaha gudah, ayuu madaxweynuhu ku daah-furay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu ka diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, shuruucda doorashooyinka loo dhigayna ku ilaaliso cid kasta oo masuuliyad ummadeed haysa, damacna kaga jiro inay mar kale isa soo sharraxdo.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn shaaciyey in la gelayo doorasho uu dhaqaaleheeda iyo fikirkeedaba u madax-bannaan tahay oo ay ku filnaatay, islamarkaana baahi badan loo qabo in wada-jir looga wada hawlgalo abuurista jawi ku habboon in doorashooyin hufani dalka ka qabsoomaan.

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay inay xukuumadda ka go’an tahay sidii ay hantida  uga ilaalin lahayd in loo isticmaalo ololeyaasha doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, maayarrada sharraxanina ay ula sinnaan lahaayeen murrashixiinta kale ee aan gacanta ku haynin xil qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Waxa inagu waajib ah y inaynu ka ilaalino qofka doorashada gelayaa wixii Xukuumadda inuu u isticmaalo qof kale, markaa ninkii tartanka gelayaa ama maayar ha ahaado ama Baarlamaan ha ahaadee mar haddii uu doorasho gelayo wuxuu la sinmayaa walaalladiisaa uu doorashada la gelaayo, xagga awoodda hantida iyo awooddii uu lahaaba.”

Madaxweynaha waxa uu sheegay in xaaladda kala-guurka ah ee la gelayo xilligan doorashooyinku soo socdaan, ay badhasaabadda gobolladu masuul ka noqon doonaan ilaalinta shuruucda doorashooyinka iyo dhawrista xuquuqda murrashixiinta,“Mar haddii kala-guur la gelaayo masuuliyadda koowaad dawladda dhexe ayey saaran tahay, markaa waxa la rabaa ninkii murrashaxa ahaa haddii uu Baarlamankii yahay iyo haddii uu dawladihii hoose yahay, laba xaq baa lagu leeyahoo isaga in xaqiisa la ilaaliyo, isaguna ninkii awood hayey marka uu murashax yahay inuu awooddii ula sinnaado kuwa kale, dawladda dhexaana laga rabaa inay taas ku ilaaliso, gobollada waxa ka wakiil ah badhasaabadda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay cid kasta oo hunguri ka hayo inay isu sharraxdo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay xil weyn iska saarto ilaalinta shuruucda doorashooyinka, amniga iyo wada-jirka bulshadana dhawraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here