Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Dhuusamareeb

0
600

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa eafdiga guddoomiyaha kusoo dhaweeyay  Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-geli doona shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleed, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa halka saacadaha soo socda uu tegi doono Madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here