Keebaa wanaagsan xiddigaha Ronaldo iyo Messi? Waxaa ka jawaabaya halyeey kooxda Liverpool ah

0
201

Halyeey kooxda Liverpool ah ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan isbarbar dhiga labada xiddig ugu fiican kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Jamie Carragher oo ka jawaabay su’aal aheyd xiddiga uu doorbidayo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa wuxuu yiri:

“Waa Lionel Messi, waligay taas ma badalin.”

“Waxaan u maleynayaa in laga yaabo inaan ixtiraam badan u hayo Cristiano Ronaldo sababtaana waxaa ugu wacan tayadiisa cajiibka ah, iyo sidoo kale maskaxdiisa, diiradiisa iyo shaqadiisa taasoo keentay inuu gaaro meesha uu hadda joogo, wuxuuna gaaray heer kale.”

“Waxa aan doonayo inaan sheego waa in Ronaldo uu sameeyo waxyaabo ay sameyn karaan ciyaartoyda kale, isagu wuxuu sameeyaa wax badan (heer aad u culus), wuxuu dhaliyaa goolal badan, laakiin waxaan u maleynayaa in Messi uu sameeyo waxyaabo aysan sameyn Karin ciyaartoyda kale.”

“Sidaas darteed, Markaad aragto Ronaldo oo gool dhalinaya, waxaad u maleyneysaa inaad horay u aragtay, laakiin Messi qaabka uu u gambinayo iyo qaabka uu u dhaqaaqayo, waxaad dareemeysaa inay yartahay in lagu dhax arko kubadda cagta hadda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here