Muxuu ka yiri Ole Gunnar Solskjær guuldarradii niyadjabka aheyd oo ay kooxdiisa Man United kala kulantay Sheffield United??

0
230

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay guuldarradii kooxdiisa ka soo gaartay Sheffield United.

Man United ayaa iska lumisay fursad ay ku qaban kartay hoggaanka horyaalka kaddib guuldarro 1-2 ah oo ay kala kulantay Sheffield United, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20-aad ee horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib Ole Gunnar Solskjær ayaa u sheegay warbaahinta:

“Dabcan, waxaan dareemeynaa jahwareer, waxaan guuldarreysanay kulan aan dareenay inaan si fiican u muuqan karno.”

“Waxaan xakameynay kubadda laakiin ma aanan abuurin fursado badan, laakiin waxaan dareemeynaa inaan u qalanay inaan dhalino wax kabadan hal gool.”

“Guuldarradii maanta waxay niyadjab iyo dib u dhac ku tahay kooxda, waxaan soo ciyaarnay dhowr kulan oo waa weyn kahor kulankii maanta, waxaana rajeynayaa in guuldarradan aysan na saameyn doonin waxa soo socda.”

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa seegtay fursad ay mar kale hoggaanka ku soo ceshan kartay, waxayna ku hakadeen 40 dhibcood, iyaga oo ka hooseeya deriskooda Manchester City hoggaamiyaasha oo leh 41 dhibcood, oo u harsan kulan dheeri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here