Rio Ferdinand oo weerar culus ku qaaday xiddigaha Man United, kaddib guuldarradii Sheffield United

0
182

Manchester United ayaa iska lumisay fursad ay ku qaban kartay hoggaanka horyaalka kaddib guuldarro 1-2 ah oo ay kala kulantay Sheffield United, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20-aad ee horyaalka Premier League.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand, wuxuuna yiri:

“Tan iyo daqiiqadii ugu horeysay ma jirin wax dardar ah oo aan ka aragnay Manchester United.”

“Bruno Fernandes, oo aad loogu tiirsanaa Isbuucyadii iyo bilihii la soo dhaafay, maanta ma aheyn mid waxtar leh, sidoo kale Paul Pogba.”

“Rashford iyo Martial waxay ahaayeen kuwa aan muuqan, waxba ma aysan gaarin, waxna ma aysan sameyn”.

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa seegtay fursad ay mar kale hoggaanka ku soo ceshan kartay, waxayna ku hakadeen 40 dhibcood, iyaga oo ka hooseeya deriskooda Manchester City hoggaamiyaasha oo leh 41 dhibcood, oo u harsan kulan dheeri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here