Gaadiidleyda Dadweynaha Oo Maalintii 3-Aad Banaanbaxyo Ka Wada Muqdisho

0
67

Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa maalintii saddexaad Banaanbaxyo ka wada Darawalada gaadiidka  dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho.

Qaar kamid ah gaadiidleyda oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay inay ka Cabanayan xirnaashaha Waddooyinka ku yaalla Caasimadda iyo lacago dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay gaadiidka BL-ka.

Sidoo kale gaadiidleyda ayaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabtaan cabashadooda, isla markaana aysan arrintaas ka aamusin oo ay ka jawaaban Cabashada gaadiileyda.

Banaanbaxa ay dhigayaan Maanta Darawalada ayaa waxaa uu ka socdaa Waddooyin ku yaalla Caasimadda, waxaana Isgoyada qaar ay ku xireen dhagxaan, iyagoona gaadiidka u diidaya inay wadada maraan.

Shalay ayaa banaanbixii ugu xooganaa waxaa ay ka dhigeen Wadada Soddonka ee Muqdisho, iyagoona halkaas ku gubayay taayaro waaweyn, sidoo kalena gaadiidka noocyadiisa kala duwan ku tuurayay dhagxaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Finish ayaa waxaa uu sheegay inay Guddi u saareen cabashada gaadiidleyda dadweynaha, isagoona rajeeyay in waxkasto ay is faham uu ku dhamaan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here